Heemaal News Network

Haayadda Amnesty Oo soo Bandhigtay Dalal Hub Sharci-darro ah Geliya Sudan

Colaadda Suudaan waxaa sii shidaya qulqulka hubka ee waddankaasi imanaya, sida ay ku sheegtay Hay’adda Amnesty International warbixin cusub oo ay sii daysay.

Warbixintan ayaa ciiwaan looga dhigay, Hubabka Cusubi waxay sii Shidaalinayaan Colaadda Suudaan. Dikumintiyo ayaa muujinaya hubab dhawaan la sameeyay ama lasoo gudbiyay iyo rasaas ka imanaysa wadamada Shiinaha, Ruushka, Seerbiya, Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Yemen oo tiradoodu badantahay in gudaha Suudaan lasoo geliyay.

Hubkan ayaa badankooda loo leexiyay gudaha Darfur, waxaana maanta marka laga soo bilaabo tan iyo bilawgii dagaalkaas, in ka badan 16,650 qof ayaa lagu dilaycolaadda u dhexeysa Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) iyo Ciidamada Gargaarka Degdega ah ee (RSF) bishii April sannadkii tagay.

Hay’adda Amnesty waxay diiwaan gelisay dhibaatooyin loo geystay shacabka, duqeyn aan loo meel dayin iyo weeraro toos ah oo lagu qaaday shacabka.

Qaar kamid ah xeerarka caalamiga ah ee gargaarka bini’aadantimada ayaa u aqoonsan xadgudubyada ay geysteen kooxaha ku dagaalamaya colaadan danbiyo Dagaal. In kabadan 11 Milyan oo dad ah ayaa la qiyaasayaa in ay gudaha ku barakaceen malaayiin kalena halis ugu jiraan macaluul.