Heemaal News Network

Jabuuti iyo Fransiiska Oo kala Saxiixday Heshiiska Iskaashiga Militariga

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qalinka ku duugay heshiis dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal, kaddib wadahadallo laba sano socday.

Bayaan ka soo baxay Dawlada Faransiiska ayaa lagu sheegay inay labada madaxwayne saxiixeen heshiis ku saabsan “dib u habeynta heshiiska difaaca oo ay ku mideysan yihiin Faransiiska iyo Jabuuti.

Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada Fransiiska ayaa ah mid quseeya qabakii loo maareeyn lahaa 1,500 oo askari oo Faransiis ah oo fadhigoodu yahay dalka yar ku yaal bariga Afrika.

Heshiiskan ma aha mid cusub ee waa heshiis ay labada dowladood dhowr mar oo hore dib u soo cusbooneysiiyeen, waxaana Heshiiskan difaaca markii ugu horreysay la saxiixay 1977-kii markaasoo Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska, waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011-kii.

Dalkan Jabuuti ayaa waxa uu ku yaalaa meel u dhaw dalka Yemen, iyo badda cas, halkaas oo uu maro qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee Aasiya iyo Galbeedka uu mara.

Ciidamada Faransiiska ayaa dhawaan xiray saldhigyo ciidan oo ku yaala Mali iyo Niger ka dib afgambiyo militari oo ka dhacay labada dal, laakiin marnaba ma dhicin su’aal ah inay ka tanaasulaan Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee dibadda.