Heemaal News Network

Dilka Maamule Xamse-hii Reer Awdal Loogu Geystay Mudug Oo Laga Heshiiyay.(Sawiro)

Gaalkacyo:- Ehelka marxuumkii lagu dilay gobolka Mudug oo ka yimid Boorama ayaa maanta 2:00pm duhurnimo soo gaadhay magaalada Gaalkacyo,

Waxyar kadib odayada labada dhinac ayaa si wada-jir ah u booqday xabsiga dhexe ee magaalada si ay u soo hubiyaan in gacan-kudhiiglaha xabsiga ku jira uu yahay Axmed Maxamuud Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuumka.

Intaasi kadibna waxay booqdeen cusbitalka guud ee magaalada si ay u soo hubiyaan in meydka marxuumku uu yahay AHUN macalin Xamse Muuse Ducaale. Markaad joogto gobolka Mudug hubsiimaha iyo xaqiijinta dilaaga iyo meydku waa arin iska caadi ah !!

Ugu danbayn hadda ayaa lagu heshiiyey in marxuumka aas qaran loo samayn-doono maalinta berri maadaama meydku talaagad ku jiro maalintii 4-aad. Odayada labada dhinac-na arintaasi galaan aaska kadib.

ALLAHA U Naxariisto Macalin Xamse Muuse Ducaale, Aamiin.