Heemaal News Network

Xubnaha Garabka Midigta Israa’iil Oo Xoog ku Galay Saldhig Milatari Oo Lagu Hayo Askar Kufsi

Mudaaharaadayaasha garabka midigta fog ee Israa’iil ayaa goor dhow xoog ku galay saldhig milatari oo ku yaalla bartamaha Israa’iil si ay uga soo saaraan xabsiga askarta lagu eedeeyay in ay kufsi wadareed u geysteen maxbuus Falastiini ah oo ku xirnaa xabsiga Sde Teiman ee saxaraha Negev oo ku dhow Qasa.

Dibad-baxayaasha ayaa xiray Saldhigga Booliska Milateriga ee magaalada Beyt Lid halkaas oo askarta lagu hayo su’aalo lagu weydiinayo, sida ay sheegtay idaacadda ciidamada Israa’iil. Askar wajiyada soo duubtay oo ku labisan dharka milatariga Israa’iil ayaa ka qayb qaatay mudaharaadka, sida uu sheegay wargeyska Yedioth Ahronoth.

Warbaahinta Israa’iil ayaa goor sii horeysay sheegtay in maxbuus kasoo jeeda Marinka Qasa inay askarta Israa’iil ku kufsadeen xabsiga Sde Teiman ee koonfurta dhulka ay Israa’iil heysato.

Warbaahinta Israa’iil ee KAN, oo soo xiganaysa ilo amni, ayaa sheegtay in maxbuuska loo qaaday isbitaaal isagoo dhaawac culus ka soo gaadhay qaybo jidhka ka mid ah, taas oo keentay in aanu awood u lahayn inuu socdo. Sida laga soo xigtay Raadiyaha Ciidanka Israa’iil, 10 askari ayaa loo xiray su’aalo la weydiinayo taasoo qayb ka ah baaritaanka xadgudubka foosha xun.