Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka ay hada kadib heli doonaan adeegyadii loogu bartay waaxda Dad-dhigidda dowladda hoose ee Xamar oo ay ka mid tahay diiwaangelinta caruurta ku dhasha Isbitaalada magaalada Muqdisho.
Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiyaha gobolka in dadka Muqdisho hadda kadib heli doonaan shahaadada guurka iyo shahaadada furriinka, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa gaarista diiwaangelin sax ah oo ay yeeshaan shacabka Soomaaliyeed.
Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay kama jirin in diiwaanka la galiyo carruurta magaalada ku dhalata iyo sidoo kale in la diiwaangeliyo guurka iyo furriinka, iyadoona kaliya warqada iyo guurka sameysan jireen dadka leemanka dibadda dacwad u galaya.