Heemaal News Network

Booliiska Israa’iil Oo Baaritaan ku Billaabey Daaciga Masjidka Al-Aqsa Oo Xiran

Wargeyska Isra’iil ee Maariv, ayaa ku warramay in Booliiska Israa’iil ay billaabeen baaritaan ka dhan ah daaciga Masjidka Al-Aqsa, Akram Sabri.

Sheekha ayaa la xiray kaddib markii uu duco iyo ammaan u jeediyay shahiid Ismaaciil Haniyeh, saaladdii Jimcaha ee maanta.

Al-jazeera, ayaa sidoo kale ku warrantay in Wasiirka Arrimaha gudaha Israa’iil uu garsoorka usoo jeediyay in laga mamnuuca masjidka Al-Aqsa , daaciga Akram Sabri.