Heemaal News Network

Wasiirka Difaaca Ingiriiska Oo Maanta Gaaray Tel Aviv, Lana Kulmay Dhiggiisa Israa’iil

Wasiirka Difaaca Ingiriiska , John Healey ayaa maanta gaaray Tel Aviv, isagoo halkaa kula kulmay dhiggiisa Israa’iil , Yoav Gallant , waxayna ka wada-hadleen qorshaha ay Israa’iil ku doonayso in si deg deg ah loo dhiso isbahaysi heegan ah oo Israa’iil ka difaaca duulaan laga filan karo Iran.

Mareykanka oo ah xulafada ugu weyn ee difaaca Israa’iil, ayaa usoo gudbiyay Israa’iil iyo isbahaysiga reer galbeedka surtagalnimada inaysan taageerro ka heli karin dalalka Carabta oo qeyb ka ahaa howlgalkii lagu difaacay Israa’iil inta uu socday weerarkii 13 April ay Iran ku qaaday Israa’iil, iyadoo tan ay ku macnaayeen saraakiisha difaaca Mareykanka in dilka Haniyeh ay uga duwantahay xulafada Carabta , dhimashada saraakiisha Iran, xilliganaa ay Israa’iil la kulmayso naceyb badan oo gobolka ah , sida ay saraakiisha Mareykanka ka soo xigatay shabakadda Axios.
Iman