Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay laamiga isku xira magaalada Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan agagaarka degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, waxaana qaraxan jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho iyo duleedkeeda.
Sida aan wararka ku heleyno qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay leeyihiin ciidanka dowladda oo laamiga marayay, waxaana lasoo sheegayaa in qaraxa uu khasaaro kasoo gaaray ciidankii la socday gaariga la qarxiyay iyo dad shacab ah.
Qaraxa kaddib waxaa goobtaasi gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Soomaaliya, waxa ayna halkaasi ka sameeyeen howlgallo baaritaanno ah, lamana sheegin ilaa hadda qof loo qabtay qaraxaasi miino ee hareeha waddada lagu aasay.
Habeen hore ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo kooxda Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido, waxaana weerarkaasi lagu dilay dad ku dhaw 40-qof , halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 200-qof.