Ugu yaraan 100 qof ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii qaar ka mid ah mudaaharaadyadii ay soo qabanqaabiyeen xagjiriinta garabka midig ay qas iyo qalaangal geliyeen magaalooyinka UK.
Mudaaharaadyo ay dhigayaan kooxaha midigta fog oo kasoo Horjeeda muhaajiriinta, ayaa ku dhawaaqayay erayo Islaam naceyb ah, iyagoo dhagxaan tuuraya,islamarkaana bililiqaystay dukaan ayaa ka socda magaalooyinka dalka Ingiriiska oo ay ka mid yihiin; Hull, Liverpool, Bristol, Manchester, Stoke-on-Trent, Blackpool iyo Belfast.
Xoghayaha arrimaha gudaha Yvette Cooper ayaa sheegtay in qof kasta oo ku lug leh ” khalkhal dambiyeed iyo rabshada tuuganimo wata” ay ” qiime ku bixin doonaan ” maadaama bulshadu ay tahay inay “dareemaan mmaan”
Raiisel wasaare Sir Keir Starmer ayaa ballan qaaday i ciidamada booliska uu siin doono “taageera buuxda” si ay tallaabo uga qaadaan “xagjiriinta” isku dayaya in ay “naceybka abuuraan”
UK