Heemaal News Network

Hogaamiyayaasha M/Yurub Oo Furay Xirmo 50 Bilyan Oo Yuuro ah Oo Ukraine Lagu Taageerayo

Dhammaan 27-ka hoggaamiye oo Yurub ka tirsan waxay ku heshiiyeen €50bn ($ 55bn; £ 43bn) xirmo gargaar ah oo loogu talagalay Ukraine, ayuu yiri madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel. “Waxaan leenahay heshiis,” Mr Michel ayaa ku qoray X..

Waxaa jirtay cabsi laga qabay in madaxweynaha Hungary Viktor Orban uu xannibo xirmada gargaarka sidii uu horayba uga sameeyay shir madaxeedka Yurub bishii December ee la soo dhaafay.

Mr Orban ayaa sheegay in uu doonayo in uu ku qasbo in dib looga fakaro siyaasadda Midowga Yurub ee ku wajahan Ukraine waxa uuna su’aal galiyay fikradda ah in ay ka go’an tahay in ay maalgaliso Ukraine afarta sano ee soo socota.

Ursula von der Leyen, oo ah madaxa guddiga Yurub, ayaa sheegtay in maanta ay “maalin wanaagsan u tahay Yurub”.