Waxay ka wadahadleen dhinacyada muhiimka ah ee tababarka dublamaasiyadda iyo balaarinta saldhigga aqooneed ee dublamaasiyiinta.
Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka ka dhexeeya akadeemiyada Turkiga iyo Machadka Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, iyadoo la doonayo in sare loo qaado iskaashiga iyo sidii loo kobcin lahaa isdhaafsiga khibradaha iyo hababka ugu wanaagsan.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u fidiyeen in ka badan 80 diblomaasiyiin Soomaaliyeed ah 15-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna si qiiro leh ugu baaqay in la xoojiyo koorsooyinka heerka sare ah si loo horumariyo khibradaha diblomaasiyadeed.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Kullankan ayaa ku soo beegmaya koorsada yar ee dublamaasiyiinta Soomaaliya, kaasoo berri oo Talaado ah ka furmaya magaalada Muqdisho.