Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu shaaciyay in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 07, Agoosto, 2024, la oggolaaday in la tasdiiqiyo shahaadada saddexda sanno ah, ee ardaydii ka qalinjabisay jaamacadaha dalka, sannad dugsiyeedkii 2023-2024, iyo wixii ka horreeyay.
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya in aanan marna la aqbali doonin hadda kaddib shahaado saddex sanno ah, wixii ka danbeeyo sannad dugsiyeedka 2023-2024..
Qoraalka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ayaa jaamacadaha dalka ku fartay in ay u hoggaansamaan fulinta go’aankii Wasaaradda ee soo baxay Maarso, 2019, kaasoo ay ku caddahay inaan la aqoonsan doonin shahaado jaamacadeed oo ka yar 4 sanno.