Hoggaamiyaha sare ee kooxda Xuutiyiinta Yemen, CabdimaalikAl Xuuti ayaa markii u horreysay sheegay dib u dhaca duulaanka ballaaran ee aargoosi ah ee ka dhanka ah Israa’iil inay tahay wax ku dhisan xeelad, wuxuu caddeeyay inay dhacayso oo weerar xooggan lagu qaadi doono Israa’iil.
Hogaamiyaha ayaa diyaargarowgan ku sheegay inuu ka socdo Yemen, Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan, wuxuu markaa tilmaamay inaysan jirin cid u caga-jugleyn karta ama ka hor istaagi karta inay qaadaan duulaanka jawaabta ah weerarradii u dambeeyay ee Israa’iil ay ku dishay hoggaamiyaasha sare oo uu ku jiro madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas, Ismaaciil Haniyeh.
Iran oo iskudaba-ridaysa duullaankii u horreyay oo ka dhanka Israa’iil, kaa oo noqon kara weerarkii ugu ballaarna ee taariikhda ay la kulanto Israa’iil, ayaa u muuqata inay marxaladan uga faa’iideysanayso hab diblomaasiyadeed, xilli saacadihii u dambeeyay ay soo shaac baxday waddada kaliya ee lagu joojin karo duulaankan inay tahay si dhammeystiran in loo joojinayo dagaalka Qasa, sida laga soo xigtay saraakiil Iiraani ah.