Heemaal News Network

Taliyaha Taliska Dhexe Ee Mareykanka Oo Mar kale Maanta Gaaray Israa’iil.

Taliyaha taliska dhexe ee Mareykanka, Jen. Michael Kurilla ayaa maanta mar kale gaaray Israa’iil, iyadoo socdaalkan lagu sheegay in lagu xoojinayo isuduwidda ka hor weerar suurtagal ah oo Israa’iil uga imaan kara Xisbullah iyo Iran, sida ay sheegtay Axios.

Waa booqashadii labaad ee Kurilla uu ku tagayo Israa’iil tan iyo bilowgii toddobaadkan,iyadoo Mareykanka uu sare u qaaday joogitaankiisa militari ee bariga dhexe oo saacado ka hor taliska dhexe uu shaaciyay diyaaradaha F-22 in loo daabulay bariga dhexe.