Heemaal News Network

Nin kasoo Goostay Al Shabaab oo xil sare loo Magacaabay iyo Hadal heyn ka dhalatay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shalay wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) in uu noqdo agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Ninkan loo magacaabay agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, ayaa horey uga tirsanaa kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya, hasa ahaatee waxa uu kasoo goostay kooxdaasi iskuna soo dhiibay dowladda Soomaaliya sannadkii 2016-kii.

Ibraahim Nadaara ayaa tan iyo markii uu kasoo goostay kooxda Al Shababaab si hoose ula shaqeenayay dowladda, waxa uuna ninkan wareysiyo badan uu bixiyay ku dhaliilayay kooxdii uu kasoo goostay ee Al Shabaab muddo badana kasoo tirsanaa.

Baraha bulshada waxaa shalay markii la magaacabay kaddib Ibraagim Nadaara qabsaday hadal heyn ka dhalatay magacaabistiisa, dadka qaar ayaana dowladda ku dhaliilayay in xil sare u magacaabeen nin kasoo goostay Al Shabaab , halka dad kalan aya difaacayeen magacaabistiisa.

Dadka dhaliilayay iyo kuwa difaacayay magacaabista sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ayaa u muuqday kuwa qaab qabiil u abaabulan, waxa ayna dadka qaar ee magacaabista ninkan taageersan sheegayeen in uusan waxba ka duwaneyn raggii isaga ka horreeyay ee xilalka dowladda ka qabtay.

Wasaaradda Ibraahim Nadaara looga magacaabay Agaasimaha Guud , waxaa wasiir ka ah Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo kamid ahaa madaxdii ugu sarreysay kooxda Al Shabaab, balse markii dambe kasoo goostay kooxdaasi lana dagaallamay.