Heemaal News Network

Midowga Afrika Oo Xaalad Deg-deg ah ku Dhawaaqay .

Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay xaalad caafimaad deg deg ah oo qaaradda oo dhan ah, taas oo lagu xakameynayo faafitaanka cudurka furuqa daanyeerka ee Afrika.

Xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga cudurada ee Afrika (Africa CDC) ayaa ku sheegtay heerka caabuqa fayraska ee faafitaanka uu ahaa mid naxdin leh uuna gaaray feyraskan 16 dal oo ka tirsan Afrika.

Tan iyo 4tii bishan Agoosto, waxaa Afrika laga diiwaangeliyay 38,465 ee furuqa daanyeerka iyo dhimashada 517 qof.

Mpox, oo loo yaqaannay furuqa daanyeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayras. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka.

Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah.