Heemaal News Network

Siciid Deni oo diyaarad Khaas ah ka raacaya Gaalkacyo iyo halka uu

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in uu maanta u safro magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweyne Siciid Deni oo muddo todobaad ah ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sida wararku sheegayaan maanta diyaarad khaas ah ugu safri doona caasimadda Kenya ee Nairobi , halkaas ay usii raaci doonaan xubno masuiuliyiin ah.

Sida aan xogta ku helnay Madaxweyne Deni ayaa magaalada Nairobi kula kulmi doona wakiillo katirsan beesha caalamka, masuuliyiin katirsan dowladda iyo madaxda hay’addo caalami ah, kuwaa uu kala hadli doono xaalada deegaannada maamulka Puntland.

Siciid Deni ayaa mudadii uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, waxa uu magacaabay guddiyo qiimayn ku sameeya xaaladda magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, kuwaasi oo uu warbixino kala duwan ka dhegeystay.

Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Puntland shirar la yeeshay mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo sidoo kale bulshada oo ay ku jiraan odayaasha iyo waxgaradka, kuwaa uu kala hadlay xaalada magaalada .