Heemaal News Network

Google Oo Maraykanka Uga Digay Halis ku soo Wwajahan Doorashada.

Shirkadda Google ayaa Arbacadii sheegtay in koox Iiraaniyiin ah oo lala xidhiidhinayo inay gacansaar la leeyihiin ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iran, inay tan iyo bishii May ay isku dayeen in ay galaan cinwaanada gaarka ah ee ku dhawaad 12 qof oo xidhiidh soke la leh madaxweyne Joe Biden iyo madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Xafiiska shirkadda u qaabilsan la socodka khataraha ayaa sheegay in kooxdaasi ay illaa haatan ay bartilmaameedsanayaan dadka ka agdhow dhow madaxweyne Biden, Trump iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris, oo haatan ah musharaxa bedelay Biden.

Google ayaa sheegtay in kooxdaasi ay bartilmaameedsadeen saraakiil haatan xilhaya iyo kuwo hore xil u soo hayn jiray, oo ay ku jiran xubno firfircoon oo ka tirsan xafiisyada ololaha doorashada madaxtinimada ee musharaxiinta.

Sidoo kale waxaa jirtay warbixin kale oo ka soo baxday shirkadda Microsoft oo iyana sheegaysa inay jiraan xubno loo tuhmayo inay yihiin Iiraaniyiin oo isku dayaya inay carqaladeeyaan ololaha doorashada madaxtinimada ee Maraykanka.

Arrintan ayaa daaha ka rogaysa, sida dalalka shisheeye ay ugu hawlan yihiin inay farogelin ku sameeyaan doorashada madaxtinimada ee Maraykanka.Goog;e