Heemaal News Network

Xamaas Oo War ka soo Saartay Dilka Maxbuus Israeli ah

Xamaas ayaa warbixin ka soo saartay dilkii maxbuus Israa’iili ah oo uu toogtay mid ka mid ah ciidanka Xamaas ee ilaalinayay.

Hadal uu soo saaray afhayeenka guutooyinka hubaysan Abuu Cubayda ayuu xaqiijiyay in askariga ilaalinayay maxaabiista uu dilkan u geystay hab aargoosi ah kaddib markii duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Qasa ay ku dhinteen labo ka mid ah carruurtiisa, taasoo ku dhalisay inuu markiiba ka aargoosto maxaabiista uu hayay.

Abuu Cubayda, waxaa kaloo uu warbixintiisa ku sheegay, in dhacdadaas aysan qeyb ka aheyn dhaqanka Xamaas

“Waxaan cadeyneynaa in dhacdadu aysan matalin anshaxa iyo manhajkeena diineed ee la macaamilka maxaabiista, Waxaan adkayn doonnaa tilmaamaha, Israa’iil ayaa iska leh mas’uuliyadda waxay la kulmayaan maxaabiista, taasoo ka dhalatay ku xad-gudbida dhammaan xeerarka bini’aadaninimo iyo xasuuqa bahalnimada ah” ayuu yiri afhayeenka.