Sida aan xogta ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay maqaayad ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan booliisa milataaro , waxaa sidoo kale goobta qaraxa ka dhacay ku sugnaa dad shacab ah oo qaarkood maqaayada ku sugnaayeen.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dad gaaraya 12-qof oo u badnaa ciidanka booliisa milataaro ay ku dhinteen qaraxa, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan ,kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaad.
Ciidamada ammaanka iyo masuuliyiin katirsan maamulka degmada Dayniile ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay , waxaana halkaasi ka socda baaritaanno ay wadaan laamaha ammaanka oo baaraya qaraxa iyo sida uu u dhacay.