Heemaal News Network

Somali dil iyo Dhaawac Loogu Geestay Deegaanka Houtbay

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ganacsato ahaa, ayaa xalay falal isugu jira dil iyo dhaawac loogu geestay goobo ganacsi ay ku sugnaayeen oo kuyaalla deegaanka Houtbay oo hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika .

Burcad hubeysan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa wararku sheegayaan in rasaas ku fureen dukaaman kuyaalla deegaanka Houtbay , waxaana halkaasi waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray dhallinyaro Soomaaliyeed.

Inta la xaqiijiyay hal wiil oo Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Muxudiin Buur-Seexde ayaa lagu dilay deegaanka Houtbay, waxaa sidoo kale lagu dhaawacay saddex nin kale oo Soomaali ah, kuwaa oo la sheegay in labo kamid ah ay ku jiraan xaalad halis ah.

Burcada hubeysan ayaa sidoo kale rasaas ku furay goobo kale oo ganacsi ay laaayeen ganacsato Itoobiyaan ah, waxaa sidoo kale weerarkaasi iyana lagu dilay ganacsade Itoobiyaan ah , halka lagu dhaawacay labo kale.

Dalka Koonfur Afrka waxaa si joogta ah uga dhaca dilal, dhaawac iyo dhaca loo geesto ajaaniibta kunool dalkaasi ay ugu horreeyaan Soomaalida, mana jiraan wax muuqda ay falalkaasi ka qabtaan dowladda Koonfur Afrika gaar ahaan laamaha ammaanka.