Heemaal News Network

“lama Aqbali-karo In Safiirka Uk Uu Simo Somaliya Iyo Somaliland”Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku dhaleeceeyay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis “kala qeybinta hay’ad midaysan” kaddib markii uu safiirku si gooni ah u xusay madaxa hay’ad arrimaha bani’aadanimada ka shaqeysa si siman howlgalkeeda inuu yahay Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiirka Fiqi ayaa tallaabadan ku sheegay; “Wax aan sinaba loo aqbali karin, oo ka dhigan weerar badheedh ah oo lagu hayo qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.”