Heemaal News Network

Israa’iil Oo Caawa si Adag Ugu Hanjabtay Iran

Israa’iil ayaa ku hanjabtay haddii ay Iran weerarro khasaare gaarsiya ay ku soo qaado inay beegsanayso si ay u burburiso warshaadaha shidaalka ee gudaha Iran.

Labo maalin ka hor diblomaasi Irani ah ayaa warbaahinta u sheegay in Iran loogu hanjabay weerar nukliyeer haddii ay ka baaqsan waydo weerarka ay ku qaadayso Israa’iil,isagoo markaa ku andacooday jawaab ku habboon inay bixisay Iran.

Wacitaankii u dambeeyay ee maanta , Wasiirka Arrimaha dibadda Masar, wuxuu la xiriiray dhiggiisa Iran , si uu warbixin uga siiyo wada-xaajoodyada lagu raadinayo xabbad-joojinta Qasa, oo dalalka Carabta ay u adeegsanayaan hab ay ku joojiyaan xiisadda gobolka, laakin sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Iran , waxaa la sheegay inuu u sheegay dhiggiisa Masar inay Iran ku khasbantahay inay hor tagto Israa’iil oo ay ka jawaabto dilka Haniyeh ee fadeexada ku ah Tehran.