Heemaal News Network

Shirkadda American Airlines Oo Maanta joojisay Duulimaadyadii Israa’iil.

Shirkadda Mareykanka ee duulimaadyada American Airlines, ayaa maanta ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay iyo kuwii ka imaan jiray Israa’iil, illaa bisha April ee sannadka 2025.

Walaaca amniga ee gobolka bariga dhexe ayaa ah mid wali taagan oo muddo sannado ah qaadanaya in laga arko xasillooni, iyadoo hadda wal walka ugu weyn uu yahay weerarrada kadiska ah iyo howlgallada shirqoolka ah ee ka dhici kara bariga dhexe inay joogaan heerkii u sarreeyay.