Heemaal News Network

Colombia Oo Mamnuucday Dhuxusha loo Dhoofiyo Israa’iil

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro ayaa saxiixay go’aan uu dalkiisa ku mamnuucayo dhuxusha loo dhoofiyo Israa’iil, tallaabadaa oo la sheegay in lagu cadaadinayo Israa’iil si ay u joojiso dagaalka Qasa, sida ay sheegtay shabakadda Bloomberg.

Horey Colombia , ayaa xiriirka u jartay Israa’iil, waxayna ku biireen dacwada ka dhanka Israa’iil ee maxkamadda dambiya caalamiga ah ay geysay Koonfur Afrika.