Heemaal News Network

Aqalka Sare Oo ka Dooday Dabar Oo’a Shilin Somaliga (Sawirro)

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 10-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Kulanka maanta oo ajendihiisu ahaa ka doodista lacagta shilinka Soomaaliga ah ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Sanatar Ibraahim Owgaab Cismaan, wuxuu sanatarradda Aqlka Sare warbixin ka siiyay taariikhda lacagta Shilinka Soomaaliga, heerarka ay soo martay iyo hadda halka ay marayso

Waxaa uu soo jeediyay in Golaha oo gudanaya waajibaadkiisa ay door ka qaataan xallinta baahida shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka Isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga.

Intaas ka dib Sanatarrada Aqalka Sare oo ka qayb qaatay doodda xaaladda isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dabar go’a ku yimid lacagta shilinka Soomaaliga ah oo aan hadda laga isticmaalin Gobollo badan oo ka dirsan dalka, waxayna soo jeediyeen in xukuumaddu ay qaaddo tallaabooyin lagu suurtagelinayo daabacaadda lacag cusub oo shilin Soomaali ah maadaama waqtigan baahi weyn loo qabo in la helo lacag cusub.