Heemaal News Network

Nin Dilay 42 haween ah Oo ku jirto Xaaskiisa Oo Xabsi ka Baxsaday

Xabsi kuyaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaa ka baxsaday maxaabiis dambiyo kala duwan galay, waxaana ku jiray maxaabiista baxsatay nin gacankudhiigle ah oo ku eedeysnaa dilka haween tiro badan uu siyaabo kala duwan uu u dilay.

Booliiska dalka Kenya ayaa war ay soo saareen ku sheegay in xabsi ka baxsadeeen 13-maxbuus oo dambiyo kala duwan ku eedeysnaa, waxa ayna booliiska sheegeen in ay socdaan baadigoob loogu jiro soo qabashada maxaabiista baxsadka ku jira.

Maxaabiiska baxsatay waxaa ku jira Collins Jumaisi Khalusa, oo ku eedeysan in uu dilay 42 haween ah ay ku jirto xaaskiisa, ninkan ayaana ciidamada ammaanka dalka Kenya soo xireen bishii July ee sannadkan, waxaana lagu helay dilka haweenkan tirada badan.

Ninkan ayaana maxkamad la horgeeyay kahor sheegay in uusan geysan dilalkan tirada badan ee lagu soo eedeeyay, waxa uuna sheegay in lagu qasbay in dambiga dilka ah qirto, maxkamadda ayaana amartay in xabsiga lagu sii hayo inta baarista kiiskiisa kasoo dhammaaneyso.

Maxaabiista kale ee xabsiga ka baxsatay ayaa la sheegay in ay ahaayeen muhaajiriin kasoo jeeday dalka Eritrea, kuwaa oo gudaha dalka Kenya ku joogay sharcidarro, waxaana baxsashada maxaabiistan la ogaaday saakay ,kaddib markii raggan xirnaa ay ka baxeen saqafka kore ee xabsiga.