Heemaal News Network

Iran Oo War yaab leh ka soo Saartay Aargoosigii Haniyah Ee Laga Sugayey

Iran ayaa sheegtay in laga yaabo muddo dheer in la sugo aargoosiga ka dhanka ah Israa’iil sida uu maanta sheegay afhayeenka ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, Ali Mohammad Naini

“Waqtigu waa inoo faa’iido, muddada sugitaanka jawaabtan waxay noqon kartaa mid dheer.” ayuu intaas ku daray afhayeenka

Sarkaalka ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay Iran xisaabinayso jawaabta ay u baahan tahay inay bixiyo illaa waxa ay la kulmi karto, balse wuxuu caddeeyay inay bixin doonaan jawaab aargoosi sax ah.

Bariga Dhexe ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay aargoosiga Iran ee ku aaddan dilkii Hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh ee Tehran lagu dilay 31-kii July. Israel ma xaqiijin mana beenin inay ka dambeysay dilka inkastoo cadowga kaliya ee uu lahaa ay tahay Israel.

Hogaamiyayaasha Iran ayaa miisaamayay duruufaha jira, waxaana laga yaabaa in jawaabta Jamhuuriyaddu aanay noqonayn hawlgalladii hore ee soo noqnoqda, ayuu raaciyay, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Iran.

Iran iyo Xamaas ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay fulisay weerarkii lagu dilay Haniyeh saacado ka dib markii uu ka qayb galay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian.

Mareykanka ayaa ka codsaday xulafada xiriirka la leh Iran inay ku qanciyaan inay dejiyaan xiisadda ka taagan bariga dhexe, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu gobolka ku sugan yahay si uu horumar ugu sameeyo xabad joojinta Gaza.

Naini waxa uu sheegay in Tehran ay taageeroyso tallaabo kasta oo horseeday in dagaalka Gaza lagu soo afjaro oo ay caawiso dadkeeda, laakiin waxa uu intaa ku daray: “Uma aragno ficillada Maraykanka mid daacad ah, waxaanu u aragnaa in Maraykanku uu qayb ka yahay dagaalka (Gaza).”