Heemaal News Network

Ciidamada Israa’iil Oo Meydad ka Helay Gudaha Qasa

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay magaalada Khan Younis ee Koonfurta Qaza ka soo soo saareen meydadka lix qof oo la qafaashay.

Lixda nin ayaa laga qafaashay koonfurta Israa’iil intii ay socdeen weerarradii Xamaas ee bishii Oktoobar todobadeeda.

Shan ka mid ah dadkaas ayaa dhimashadooda horay loo shaaciyay. Waxaa la rumeysanyahay inay noolyihiin 73 kamid ah 251-da qof oo ay Xamaas qafaasheen Labada boqol iyo kow iyo konton la hayste oo ay Xamaas qafaasheen.

Meydadka ugu yaraan soddon kale ayaan weli la helin. Wiil uu dhalay mid ka mid ah ragga hadda meydkooda la soo saaray ayaa ku eedeeyay dowladda Benjamin Netanyahu in ay dayacday la haystayaasha.