Heemaal News Network

Milateriga Israa’iil Oo Dueyn ku Dilay Sarkaal sare Oo ka tirsan Ururka Fatax

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay beegsadeen sarkaal sare oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Fatax ee Falastiin, kaasi oo lagu dilay duqeyn lala beegsaday baabuur marayay koonfurta waddanka Lubnaan.

Ciidamada Israa’il waxay ku andacoonayaan, in Khalil al-Maqdah, oo ah taliye ka tirsan garabka hubaysan ee Fatax, inuu u shaqeeynayay Ilaalada Kacaanka Iran isla markaana uu hub iyo lacago soo galiyay Daanta Galbeed ee la haysto.

Weerarkan oo ka dhacay duleedka dekedda Sidoon, ayaa ah weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado xubin ka tirsan ururka Fatax, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in laba qof oo kale ay sidoo kale ku dhinteen weerarka oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee Quds.

Xisbullah ayaa sheegtay in afar ka mid ah xubnaheeda lagu dilay duqaymo kale oo ay Israa’iil Arbacadii ka fulisay koonfurta dalka Lubnaan.

Mas’uul katirsan urrurka Fatax ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay isku dayayso in ay dagaal ka huriso gobolka.