Heemaal News Network

Sinwar Sidee ayuu Uga Qayb-galay Wada-hadalada Doha Isagoo God ku jira?

Tan iyo markii hoggaanka Xamaas uu la wareegay Yahye Al Sinwar waxaa la kisweydiinayaa sidee loo hela farrimaha ka imaanaya iyo go’aamada xafiiska ee dhankiisa ka soo baxaya ee la soo gaarsiinayo dhex dhexaadiyayaasha raadinaya heshiis xabbad joojin ah ka dib markii Israel ay dishay Ismail Haniyeh oo xilkaas uga horeeyey fadhigiisuna ahaa Doha.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa soo bandhigay baaritaan uu sameeyay oo la xiriirta sida dhex dhexaadiyayaasha muddadii uu socday wada-hadalladii Doha lagu gaarsiin jiray Yaxye Sinwar go’aamada wada-xaajoodka iyo sida uu jawaabtiisa u soo celin jiray.

Warbixinta baaritaanka ah ee wargeyska ayaa lagu sheegay in dad kala duwan oo goobo kala duwan oo Qasa ah ku sugan inay soo gudbiyaan farriimaha ka imaanaya madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas Yaxye Sinwar oo ku sugan godadka dhulka hoostiisa ku yaalla ee Qasa.

Qofka farriinta loo dhiibayo iyo kan qaadaya dib looma arko, waxaana jawaab celinta soo gudbin jiray qof kale, iyadoo tan looga dan leeyahay inaysan Israa’iil oggaan halka ku sugan yahay Yaxye Sinwar oo ah qofka ugu muhiimsan Xamaas waqtigan ee muddada dheerna ay baadi goobayeen.

Warbixinta Wall Street Journal, ayaa sidoo kale lagu sheegay in la arkay isbeddelo waa weyn oo amni oo ka jira gudaha Qasa oo ay sameysay Xamaas, nidaamka howlgalka iyo dhaqdhaqaaqyada ayay sheegeen in la beddelay taasoo u muuqata istiraatijiyad cusub oo xubnaha muhiimka ah ee Xamaas uga fogaanayaan inay Israa’iil beegsato.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya.