Masar ayaa la sheegay inay bilowday qorshaha ay ku diyaarinayso ku dhawaad 5 kun oo askari oo la filayo bilowga sannadka cusub inay soo gaaraan Soomaaliya , iyagoo qeyb ka ah howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika.
Labo sarkaal oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa ii sheegay ciidanka Masar inay noqon karaan kuwa ku hubaysan gaadiidka dagaalka, diyaaraddo iyo agab militari oo qeyb ka mid ah ay howlgallo wadajiro ku wada fulin karaan ciidanka xoogga Soomaaliya,wallow aan la dhammeystiran qorshahaa.
Dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale filaysa in Sacuudiga oo taageerraya qorshaha Masar ay tiro badan oo ciidan ah ku geynayso Soomaaliya , inuu dhaqangeliyo heshiis difaac iyo taageerro miisaaniyadeed oo u dhaxeeya Riyadh iyo Muqdisho, sida ay saraakiishu sheegeen.