Heemaal News Network

UNICEF Oo Canbaareysay Dhalinyaro Lagu Toogtay Puntland

Hey’adda Carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobey ee Unicef ayaa si kulul u cambaareysay dilka afar dhalinyaro ah oo toddobaadkii hore ay Puntland ku toogatay Gaalkacayo, ka dib markii Maxkamad Ciidan ku xukuntay in ay ka mid ahaayeen kooxda AS.

UNICEF waxa ay sheegtey in Puntland ay jebisey xeerarka ilaalinta carruurta oo ay xukunno dil ah ku filisay ilme aan gaadhin 18 jir, una adeegsatay Maxkamad Ciidan, taasi oo iyana aan sax ahayn.

“Carruurta xidhiidhka la leh kooxaha hubeysan waa in loo arkaa dhibanayaal u baahan ilaalin iyo dib-u-habeyn, waa in la ilaaliyaa xuquuda lana jabin shuruucda caalamiga ah ee Soomaaliya saxiixday.” – Ayey tidhi UNICEF.

Dilalka ay Puntland fulisey ayaa yimi ka dib markii dhawaan rag eedaysanayaal AS ah ay ka baxsadeen xabiga Gaalkacayo, iyada oo Xafiiska Xuquuqul-iinsaanka Puntland uu mar sii horreysey ka digey dilka carruurta aan qaangaadhin.