Weerar toorey loo adeegsaday oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay magaalada Solingen ee dalka Jarmalka, waxaana weerarkan fuliyay nin aan wali heybtiisa la aqoonsan oo toorey ku hubeesnaa.
Inta la xaqiijiyay weerarkan tooreyda loo adeegsaday oo ka dhacay goob lagu caweeyo ayna ka socotay xaflad waxaa ku dhintay saddex qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay afar qof oo kale, dadka dhaawacyada qaba qaarkood ayaana la sheegay in xaalad halis ah ku jiraan.
Booliska dalka Jarmalka qoraal ay soo saareen ayaa lagu sheegay, in xalay abbaaro 10-ki fiidnimo uu hal nin oo aanan wali la aqoonsan uu dhowr qof ku middiyeeyay meel lagu caweeynayay, isla markaana uu ninkaasi wali baxsad yahay ayna ku daba jiraan booliiska.
Ninka weerarka fuliyay oo watay toorey af-badan ayaa la sheegay in uu dhaxda ka galay uuna beegsaday dad ku sugnaa goob ay ka socotay xaflad loogu dabaal-degayay sannad-guurada 650-aad ee kasoo wareegtay aas aaska magaalada Solingen.
Weerarkan ka dhacay magaaladan ku taalla xadka Jaramlka iyo Holland ayaan wali la shaacin in uu yahay mid argagaxiso, booliiska dalka Jarmalka ayaana wada baadigoobka ninkii weerarka ka dambeeyay oo baxsad ku jira.