Wasaaradda Waxbarashada Hiddiha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka dhahaadiga ee dugsiga sare oo sannadkan u fariisteen arday gaareysa 36,034Arday.
Imtixaanka waxaa sanadkan ku baasay oo gudubtay arday gaareysa 33,666 arday, waxaa dhacay oo mar kale iskuulka ku laabanaya arday gaareysa 2,366 arday, waxaa sidoo kale wasaaradda Waxbarashada natiijadooda baa’bisay arday gaareysa 2,905 arday oo qish lagu qabtay.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale shaacisay in sannadkan imtixaanka guud ahaan dalka laga qaaday uu kaalinta koobaad u galay 𝐙𝐚𝐤𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧, oo ka socday g𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫, gaar ahaan Dugsiga 𝐀𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐰𝐚𝐳𝐢 𝐃𝐞𝐲𝐧𝐢𝐢𝐥𝐞, darjada uu heleyna noqotay 𝟖𝟗%.
Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare ayaana sannadkan arday dhacday iyo kuwa natiijadooda la baa’biyay noqdeen kuwa aad u badan, waxaana arrintaasi walaac iyo niyad jab ku abuurtay waalidiintii sanadaha badan ardayda waxbarashadooda ku dedaalayay.