Heemaal News Network

Itooboya Oo Falcelin Adag kasoo Saartay Ciidamada Masar Ee yimid Somaaliya

Itoobiya ayaa ka digtay wax ay ugu yeertay halisaha ka dhalan kara haddii aan la tixgelin codsiga ay uga mid noqonayso hawlgalka AUSSOM ee bedeli doona kan ATMIS ee Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku muujinayso wax ay ku sifeysay walaaceeda ku aaddan kala guurka hawlgalka Ku meelgaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, kaasoo loo bedelayo hawlgal cusub oo taageero nabadeed ah.

Itoobiya ayaa sheegtay in kala guurkan uu halis gelin karo gobolka Geeska Afrika, iyadoo tilmaantay in gobolku uu galay xaalad aan la saadaalin karin.

“Itoobiya gacmaha ma laaban doonto, iyada oo kooxaha kale qaadayaan tallaabooyin carqaladaynaya xasiloonida gobolka.”

“Itoobiya waxay ka walaacsan tahay in kala guurka laga sameynayo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee loo bedelayo hawlgal taageero nabadeed ah oo cusub, uu halis gelinayo gobolka. In kasta oo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ay isku diyaarinayaan kala guurkan, haddana gobolka wuxuu gelayaa xaalad aan la saadaalin karin” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Addis Ababa.

Itoobiya ayaa ku celisay in codsiyo ay soo jeediyeen iyada iyo dalalka kale ee Ciidamada ku tabarrucay hawlgalkii AMISOM ama ATMIS aan loo tixgelin mid dhab ah. Waxay sidoo kale dhaleeceysay waxaay ugu yeertay isku dayga ah hadallada cadowtooyo, dafiraadda iyo tallaabooyinka lagu doonayo in lagu dhayalsado naf-hurkii ciidamada Itoobiya.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin in la wiiqo nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyadoo tiri: ‘Si dhow ayaan ula soconnaa isbeddellada jira.

Sidoo kale, Ethiopia waxay ku gallad sheegatay wax ay ugu yeertay dadaallada ay u gashay nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo gobolka oo dhan. Waxay tilmaantay in horumar la taaban karo laga sameeyay wadahadallo ay la yeelatay Dowladda Soomaaliya siloo xalliyo khilaafaadka jira.

Waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay hadda ka shaqaynayso dhinacyo dibadda ka socda oo carqalad gelinaya gobolka. Inkastoo aysan xusin hadana dadka la socda xiisadda heer gobol iyo ka baxsanba, wey garan ogyihiin in loo duurxulayo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo qorsheyneysa iney kumanaan askari u soo dirto Somalia.

Itoobiya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh diyaarinta iyo oggolaanshaha hawlgalka cusub ee taageerada Nabadda in ay tixgeliyaan walaacyada dalalka gobolka iyo kuwa ciidamada ku tabarrucay hawlgalka haatan ee ATMIS.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA