Magaalada Muqdisho waxaa mar kale ka dhacay kulan xasaasi ah oo ay isugu yimaadeen xildhibaanno kasoo jeeda beesha Hawiye, xildhibaannadan kulmay ayaana si weyn mucaarad ugu ah siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaannada ayaa kulankooda uga wadahadlay xaalada siyaasadeed xilligan dalka ka jirta, gaar ahaan cabashada kasoo yeereysa dadka ay matalaan xildhibaannadan ay ku jiraan kuwa magaalada Muqdisho oo culeesyo badan la dul saaray.
Kulankan xildhibaannada yeesheen ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa odayaal iyo ganacsato kasoo jeeda beesha Muddulood, kuwaa oo dhankooda ka sheegay kulanka dhibaatada ay xilligan la kulmayaan dadka ay kasoo jeedaan.
Gabogabada kulanka ayaana laga soo saaray ilaa afar qodob oo xasaasi ah, waxaana qodobadaasi kamid lagu shirweyne la isugu imaanayo , kaa ay xildhibaannada Hawiye iyo dadka ay matalaan isaga bari yeelayaan dhibaato ay sheegeen in uu geysanayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Halkan ka Akhriso qodobada shirka xildhibaannada Hawiye laga soo saaray
1. Waxaa la doortay guddi qabaqaabo Shirweyne Hawiye si Hawiye uu isaga badbaadiyo, ummadda soomaaliyeedna ugu badbaadiyo ,isagana bari yeelo khatarta jirta iyo in magaca dowladeed lagu geysanayo ku tagrifal awoodeed taas oo uu masuuliyadda koowaad leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Shiikh Maxamuud maadaama iyagu ay leeyihiin gacan qabashadiisa oo u uku abirsado, badankoodna ay lahaayeen sababta guushiisa .
2. In xal loo helo cabashada xarka goostsya ee Ganacsatada Soomaaliyeed oo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa ka haysta dhiigmiirad aan u naxaynin taas oo ay u dheer tahay codowga Khawaarijta oo amarro naf lacaarinimo ay ka muuqato dul dhigay.
3. In Gogosha la balaariyo oo lagu casuumo dhamaan wax garadka qabaa’ilka Soomaaliyeed ,sabatoo ah hab dhaqanka rajiimka talada haya maahan mid u adeegaya danta guud ee Shacabka ,midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.
4. In Siyaasiyiinta dalka loogu baaqo in ay u I staagaan ka qeyb qaadashada toosinta dowladnimada si aan dalka uga dhicin haadaan aan laga soo saari karo iyo in Soomaaliya ay noqoto goob ay ku hardamaan dalal leh maslaxadooda gaarka ah.