Heemaal News Network

Xamaas Oo Furun Cusub Oo Dagaal ka furtay Daanta Galbeed (Sawirro)

Daanta Galbeed ee la heysto , waxaa ka dhashay marxalad cusub oo dagaal, iyadoo dhallinyarada Falastiiniyiinta ay billaabeen inay ku biiraan dhaqdhaqaaqyada hubeysan.

Guutooyinka Qasaam oo ay ku biirayaan dhallinyarada ugu badan ee Daanta Galbeed ayaa baahiyay farriin ay digniin culus ujgu direen ciidanka Yuhuuda ee hallkaas xoogga ku heysta

“Annagoo ka mid ah Qasaam waxaan u ballanqaadayna Rabbigeenna, kaddibna dadkeenna iyo dhammaan dadka xorta ah inan ku sii tagnaan doono Jihaadka iyo halganka inta laga gaarayo guul iyo xornimo.”

Kooxaha Falastiiniyiinta ee ka dagaallamaya Daanta Galbeed oo duulaanka Israa’iil ee halkaa ay ka wado uu galay maalintii afaraad ayaa lagu arkay inay ku dagaallamayaan hub ka casrisan kan iska caabinta Qasa.

Hubkan oo ay ku jiraan gantaallada garabka laga tuuro iyo walxaha qarxa, iyadoo Israa’iil ay bilowday iney Iran ku eedeyso inay hub soo gelisay Daanta Galbeed.

Iska horimaadyada tooska ah iyo weerarrada ay qaadayaan iska caabinta Daanta Galbeed oo ay ku jiraan baabuur lagu xiray waxyaabaha qarxa ayaa muujinaya in Daanta Galbeed ay geli karto dagaal dheer oo sii socon kara haddii ay xataa Israa’iil iskudaydo inay joojiso duulaankeeda.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay dileen shan kale oo ka tirsan dagaalyahanada Daanta Galbeed, oo uu ku jiro taliye maxalli ah, xilli ay sii waday howlgalkii ugu dhimashada badnaa ee ay ka fuliyaan dhulka la haysto tan iyo markii uu dagaalka Qaza ka bilowday.

Israa’iil ayaa sheegtay in weerarrada ka dhacay waqooyiga daanta galbeed – oo ay ku dhinteen wadar ahaan 16 qof, ku dhawaad ​​dhammaan dagaalyahannada, tan iyo dabayaaqadii Talaadadii – looga golleeyahay ka hortagga weerarada.

Xamaas ayaa u nmuuqata iney dagaalkeeda ku balaarineyso Daanta Galbeed ee la heysto, halkaasoo Israa’iil duulaan ballaaran ay ka wado, iyadoo weerarradan ay isugu jireen baabuur qarax lagu xiray iyo iska horimaadyo toos oo ay weheliyeen qaraxyada dhulka la geliyo.

Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta ayaa hadda isku beddeshay aag ay isku ballaariyeen dhaqdhaqaaqyada Falastiiniyiinta Qasa, maamulkii Cabbaas ayaa si dhaqso ah u muuqda inuu lumiyay gacan ku heynta Daanta Galbeed oo dhallinyarada Falastiiniyiinta ay isku hubeeyeen si ay isaga caabiyaan ciidanka Israa’iil ee duulaanka ku soo qaaday.

Dalalka Yurub iyo Carabta ayaa sheegay inay arkayaan khatarta oo ku socota meel aan laga soo celin karin iyo dagaalka oo gaara gobolka, iyagoo Israa’iil ugu baaqay si dhaqso ah inay duulaankan u joojiso.