Heemaal News Network

Xamaas Oo ka Hadashay Maxaabiis Israa’iiliyiin ah Oo Lagu Dilay Rafah.

Ciidamada arxanka daran ee Israa’iil ayaa wali wada howlgaladda cir iyo dhulka ah ay ka fulinayaan magaalada Gaza iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw, waxaana aagagaasi ka dhacay duqeymo culus iyo sidoo kale dagaal jilbaha la isku aastay.

Magaalada Rafah waxaa laga helay meydadka maxaabiis u dhalatay Israa’iil kuwaa oo gacanta ugu jiray dagaalyahannada ururka Xamaas, waxaana maxaabiistaasi la sheegay in ay ku dhineen duqeymo ay geesteen Israa’iil.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururka Xamaas ayaa lagu shaaciyay in lix maxbuus oo kamid ahaa dadkii gacanta ugu jiray la dilay, waxa ayna dhimashada maxaabiistaasi kooxda Xamaas sheegtay in ay masuul ka yihiin ciidamada Israa’iil ee wada duqeymaha.

Maxaas ayaa sidoo kale war-saxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Mareykanka sidoo kale masuul ka tahay dhimashada maxaabiista gacantooda ku jiray, waxa ayna sheegeen in Mareykanka hubka duqeymaha lagu fulinayo iyagu siiyeen Israa’iil.

Maxaabiis badan oo ku jiray gacanta kooxda Xamaas ayaa lagu dilay duqeymo iyo weeraro ay geesteen ciidamada Israa’iil, waxaana la rumeysan yahay in qaar badan oo kamid ah maxaabiistii Israa’iil laga qafaashay ku dhinteen dagaalka iyo duqeymaha ka socda Gaza.