Heemaal News Network

Taliyaha Ciidamada Itoobiya Oo ka Hadlay Dagaalkii 77

Taliyaha Guud ee ciidamada xoogga Itoobiya Birhanu Jula ayaa sheegay in Taliska Bari ee degaanka Soomaalida uu yahay talis si geesinnimo leh uga soo baxay waajibaadkooda shaqo ee deegaannada bariga iyo guud ahaan dalka.

Birhanu Jula ayaa ku celceliyay in ciidamada saldhiggan ay ka hortageen waxa uu ugu yeeray ciidamadii waday is-ballaarinta oo sida muuqata uu ula jeeday ciidanka milateriga dowladii Siyaad Barre.

Hadalkan ayuu taliyaha Taliyaha Guud ee ciidamada xoogga Itoobiya Birhanu Jula ka jeediyey magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida oo maanta uu booqasho ku tagay.

Field Marshal Birhanu Jhula, oo tilmaamay in is-ballaarintu ay tahay maskax sun ah oo horseedaysa dagaal, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in taariikhda laga barto in dagaalku uu baabi’iyo dadka iyo dhaqaalaha.

Berhanu Jula ayaa sheegay in Soomaaliya u burburtay dagaalkii 1977-dii dhexmaray iyada iyo Itoobiya.

Wuxuu sheegay in dawlado ajnabi ah xiligaas ay Soomaaliya dagaalka galiyeen oo aysan ka dibna waxba u tarin.

Taliska ciidanka Itoobiya ee aagga Barri, waxaa loo sameeyey ayuu yiri inay burburiyaan damacii dhul-balaarsi ee Siyaad Barre.

Jula ayaa hadda sheegay in ay markale Ifafaalahaas hadda soo muuqdeen, oo ay dawlado kale gadaal ka riixayaan, isagoo isla xariiriyey dagaalkii 1977-dii iyo Iskaashiga cusub Soomaaliya iyo Masar ee waqtigan.

Waxa uu sheegay cid kasta oo khal khal gelin ka wada dalka aysan ilaawin in uu jiro difaac adag oo ilaalinaya qaranimada Itoobiya.

Abaanduulaha ciidamada qalabka side ee Itoobiya ayaa xusay in Taliska Bari uu yahay ciidan geesiyaal ah oo dalka ilaalinaya, islamarkaana xoojiyey ammaanka bariga, guulana kasoo hoyay dagaalkii Tigray ee gobollada waqooyi ee Itoobiya.

Madaxwaynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxammad ayaa dhankiisa sheegay in ciidanka difaaca qaranku uu yahay ciidan weyn oo dalka iyo dadkaba ku faani karaan, isagoo si hufan u gutay hawshii loo igmaday.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay dagaalkii ay ciidamada deegaanka la galeen al-Shabaab isaga oo sheegay inay burburiyeen kuwii ku soo duulay gobollada bari ee dalkaas.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ciidanku ay yihiin ciidamo hawlo caalami ah ka wada meelo ka baxsan dalka.