Madaxweynaha Turkiga,Erdogan ayaa ka digay qorshaha Israa’iil ay ku doonayso inay ku qabsato daanta galbeed iyo Qasa.
Madaxweynaha Turkiga,Erdogan; “Israa’iil waxa ay qorsheyneysaa in ay qabsato Daanta Galbeed, mana ku ekaan doonto Qasa, waxayna damci doontaa dhulka Jordan (Urdun), Lubnaan, Suuriya iyo Turkiga marka ay qabsato Ramallah….Tallaabada kaliya ee lagu joojin karo argagixisada Israa’iil waa isbahaysi ay yeeshaan waddamada Islaamka.”
“ Xamaas iyagoo ka wakiil ah dunidda Islaamka , waxay u halgamayaan magaca Muslimiinta…. Ka-hortagga argagixisada dawladda Israa’iil waa waajib Islaami ah.”ayuu yiri madaxwayne Erdogan.
Turkiga wuxuu toddobaadkan la galay Masar, heshiis ay labada dal si isku mid ah u adeegsan karaan saldhigyada badda, taa oo awood u siinaysa Turkiga inuu ballaariyo joogitankiisa bariga dhexe.