Qabaa’ilka Howeitat, waa qabiil ballaaran oo degga koonfurta Jordan, gacanta gobolka Siinay ee dalka Masar illaa waqooyi-galbeed Sacuudiga.
Dadweynaha Jordan, ayaa xalay isugu soo baxay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Amman, iyagoo taageerraya howlgalkii geesinimada lahaa ee nin u dhashay dalkaas oo ka tallaabay xadka uu saddex Israa’iiliyiin ah ku dilay Daanta Galbeed.
Wuxuu ahaa darawal gaadiidka xamuulka wuxuuna noqday qofkii u horreeyay ee aan Falastiini ahayn oo ku lug yeeshay iska caabinta Israa’iil.
Si dhaqso ah waxay dhacdadan u dhalisay in laga digo waji kale oo uu yeesho duulaanka arxan-darrada ah ee Israa’iil ay ka wado dhulka Falastiiniyiinta.
Weerarka uu fuliyay Maher Al-Jazi wuxuu walaac ku beeray Israa’iil oo u aragta inuu albaab cusub u furayo Carabta ku nool dalalka xadka la leh dhulka Falastiiniyiinta ee diiddan xasuuqa iyo go’doominta ay ku heyso Falastiiniyiinta inay isku dayi karaan inay ka soo gudbaan xadka si ay u weerarraan Israa’iil.