Madaxweyne Axmed Karaash ayaa ka soo horjeestay, Hadalkii Wasiirka Batroolka XFS ee saxiixa Ceelka Shiidaalka Hol-Hol ayaa yidhi:
“Waxaan dhegeystay hadal uu jeediyey Wasiirka Batroolka XFS oo uu ku sheegay inay saxeexeen xidhmooyin Shidaal oo uu ka mid yahay Ceelka Shiidaalka ee Holhol.
Hadaba waxaan la wadaagaynaa Shirkadaha Caalamiga ah inaan wakhti kaga lumin Ceelka Holhol iyo khayraadka kale ee deegaanadaasba aysana jirin cid awood u leh inay heshiis ku soo gasho, iyadoon loo marin dariiq saxa oo heshiis lagu wada yahay.”