Heemaal News Network

Dowladda Britain Oo Cunaqabatayn kusoo Rogtay Ciidamada Ruushka, Shirkado Iran ah

Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay liis cusub oo cunaqabateyn ah kaas oo ay ku jiraan Ruushka iyo Iran.

Cunaqabataynta isdaba joogga ah ee la saaray Ruushka ayaa saameyn ku yeelaneysa duulimaadyada dalkaas, iyadoo meelaha sida gaarka ah cunaqabateynta loo saaray ay tahay saldhigga cirka ee 924-aad ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ku yaalla gobolka Kolomna iyo saldhigga milateri ee bixiya maamulka iyo hagidda hawada diyaaradaha militariga.

Liiska waxaa sidoo kale ku jira dhowr maraakiibta xamuulka qaada ee Ruushka, waxaana sidoo kale cunaqabateyntan ay saameyn ku yeelaneysaa shirkado laga leeyahay dalka Iran.

Xafiiska arrimaha dibadda ee magaalada Berlin ayaa daabacay bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Britain, France iyo Germany oo ku saabsan sahayda gantaallada riddada dheer ee Iran ay siiso Ruushka, ka dib wadahadalo maanta horraantii dhex maray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Britain David Lammy.

Dalal badan oo Yurub ah ayaa iyana la filayaa in ay ku dhawaaqaan cunaqabateyn ay ku soo rogayaan Ruushka iyo Iran, waxaana dalalkaas kamid ah France iyo Germany.