RW Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ergo ahaan u jooga Baydhabo ayaa xalay kulan gaar ah oo laga saaray xubnihii ku wehliyey safarkkiisa la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Laftagareen & Xassan Sheekh oo heerkii ugu xumaa maraya ka dib khilaaf ka dhashay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Bay iyo Bakool.
Xamse Barre ayaa Laftagareen la wadaagay fariin digniin ah oo uu ka siday Madaxweyne Xassan Shiikh taasoo aheyd inuu joojiyo taageerada uu siinayo ciidamada Itoobiya iyo doorasho aysan la socon DF oo u qabsanayo.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay Allbanaadir Online in laftagareen lagu wargeliyey hadii uu ku sii socdo labadaas arrimood ee looga digay inuu la kumi doono cawaaqib xumo adag.
Ma jiraan wax horumar ah oo laga gaaray ilaa hadda wadahadaladan, waxaana ilo wareedyo hoose ay sheegayaan in Laftagareen uusan jawaab deg deg ah ka bixin digniinaha la siiyey uuna codsaday in la siiyo waqti uu uga soo baaraandego.
Madaxtooyada Baydhabo ayaa Xamse la kulansiisay Wasiiradda K/Galbeed & Odayaasha dhaqanka, iyadoo caawa Casho sharaf loo sameynayo Xamse iyo wafdigiisa ka hor inta aysan maalinta beri ah dib ugu soo laaban Muqdisho.