Heemaal News Network

Ururka Ikhwaanul Muslimiin Oo ku Guuleystay kuraasta ugu Badan Ee Baarlamaanka Jordan.

Xisbiga Islamic Action Front, oo ah garabka siyaasadda ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Jordan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka Jordan , kaddib markii ay heleen 31 kursi oo ka mid ah 138 kursi ee baarlamaanka Jordan.

Ururkan ayaa hoggaaminayay isku soo baxyadii lagu taageerray Qasa, waxayna si weyn u diiddanyihiin xasuuqa Qasa, iyagoo taageerra in faragelin lagu sameeyo xaaladda Qasa, si loo joojiyo duulaanka Israa’iil, tana waxaa loo arkaa inay ka dhalatay guusha weyn ee ay markii u horreysay ka gaareen doorashadii Baarlamaanka, oo ay ka heleen saddex jibbaar kuraastii ay ku lahaayeen golaha wakiillada.

Dalka Jordan ama Urdun, waxaa inta badan ay awoodda sharciga gacantiisa ku jirtaa Boqor Cabdallaha labaad, kaasoo awood u leh xataa inuu kala diro Baarlamaanka, balse hoggaanka xisbiga hadda ku guuleystay kuraasta ugu badan Baarlamaanka waxay sheegeen in natiijada ay ka dhigantahay isbeddelka ay doonayaan shacabka Jordan, inta uu socday ololihii guga Carabta , xisbigan ayaa lagu eedeyay inay isku dayeen Boqorka inay xukunka ka tuuraan.