Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mrs. Karin Johannson oo booqashadii u horreysay ku timi Puntland
Kulan waxaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada Amniga, dimuqraadiyadda, mashaariicda horumarin, kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Midowga Yurub iyo Puntland.
Waxaa Madaxweynaha ku weheliyey kulanka Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Daa’uud Maxamed Cumar (Daa’uud Bisinle), Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa shalay sidaan oo kale ula kulmay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, waxa uuna kala hadlay xaalada Soomaaliya , gaar ahaan maamulka Puntland sidii looga fulin lahaa mashaariic kala duwan.