Warbixinnadii u dambeeyay ee ka soo baxay weerarkii qaraxa isgaarsiinta Pager ee ay adeegsanayeen ururka Xisbullah ayaa la xaqiijiyay in ka hor qalabkan inta uusan soo gaarin Xisbullah inay bishii February ee sannadkan ku dhacday gacanta hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad oo dhammaan nidaamka Pager ee ay u adeegsanayeen ururka Xisbullah isgaarsiin ay ku xirtay mid kasta oo ka mid ah qalabkan waxyaabaha qarxa oo gaarsiisan 20gr
Waxaa la dhex geliyay batariga uu nidaamkan ku shaqeeyo ee lithium-ka ah oo sirdoonka Israa’iil ay ku xireen qalab u fududeynaya in waqtiga ay doonayaan kuleel xad dhaaf ah ku dhaliyaan si uu qarax u sameeyo.
Telefishinka Al Jazeera ayaa isagoo ilo amni xiganaya xaqiijiyay in qalabka ka hor inta uusan soo gaarin Xisbullah in walxaha qarxa la dhex geliyay.
Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegtay inay fallanqeeyaal amni u xaqiijiyeen sida laga arkay dhabarka dambe ee Pager ay Xisbullah adeegsanaysay ee gelinkii dambe ee maanta qarxay in lagu arkay inay soo saartay shirkadda Gold Apollo ee fadhigeedu yahay dalka Taiwan.
Warbixinta Reuters ayaa lagu sheegay Pagerada la qarxiyay inay ahaayeen shixnadii u dambeysay ee Xisbullah soo gaartay, taasoo ka dhigay in aanan la qarxin dhammaan nidaamkan ee la beegsaday shixnadii u dambeysay oo u suragashay inay Israa’iil gacanta ku dhigto.
Inta badan shirkadaha ka howlgalla Taiwan ee soo saara qalabka tiknoolajiyadda waxaa qeyb ahaan leh Mareykanka, taasi waa midda dhalinaysa su’aasha sida ay Xisbullah u go’aamisay inay aalad ay u adeegsanayaan isgaarsiin uga soo gataan shirkaddo xiriir la leh Israa’iil. Waxaana jirta gacan saddexaad oo qalabkan ka keenay Taiwan una soo wareejiyay Xisbullah
Markii uu dhacay weerarkii 7 Oktoobar ay Xamaas qaaday lama ogeysiin Xisbullah, sidaana waxaa sheegay hoggaamiyaha Xisbullah, waxay u muuqataa si dhab ah inay Xamaas ula socotay habka sirdoon iyo qaab dhismeedka Xisbullah inuu yahay mid xilli walba lala socdo, waa sababta ay waqtigan u noqonayso Xisbullah, urur wajahaya fadeexad amni iyo sirdoon. Wax kasta oo dhacay oo wax la yaableh loo arkayay hadda waa wax ku dhacay khaladka iyo habac-sannaanta Xisbullah, dhacdada lagu qarxiyay isgaarsiintooda ayaa sidoo kale wiiqaysa kalsoonida ururkan.
Xisbullah waxay sheegeen inay sameynayaan baaritaan la xiriira sida ay u suragashay in nidaamkooda isgaarsiinta la qarxiyo, ayna bixin doonaan jawaab ku habboon. Warbixinnadii u dambeeyay ayaanna meesha ka saaray weerarka inuu u dhacay hab tignoolajiyad sare oo layaab leh , taa beddelkeeda waxa dhacay waa nidaam waqti hore gacanta u galay Israa’iil oo lagu diyaariyay agab fududeynaya inuu qarax sameeyo.
Dhimashada ka dhalanaysa weerarka ayaa saacad walba sare u kacaysa in ka badan 11 qof ayaa ilaa hadda u geeriyootay qaraxa ka dhashay nidaamka isgaarsiinta Xisbullah oo ah weerarka ugu weyn ee noociisa ah ee dunidda soo maray, iyadoo 4,000 qof oo dhaawacyo culus ay ku jiraan ay ku dhaawacmeen.