Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa waxyar ka hor ansixiyay soo jeedinta wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ee la xiriirta in Moscow ay heshiis istaatijiyadeed oo iskaashi ah la gasho Tehran,sida lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee aqalka Kremlin-ka.
Heshiiskan oo aan la soo bandhigin waqtiga la saxiixayo ayaa la mid ah heshiis uu Ruushka la galay Kuuriyada Waqooyi oo ay qeyb ka ahayd labada dal inay si wadajir ah uga jawaabayaan haddii midkood uu gardarro la kulmo.
Arintan ayaa sidoo kale ku soo aadaysa xilli Ruushka la sheegay inuu Iran kala shaqeynayo sidii ay u dhammeystiri lahayd hubkeeda nukliyeerka, isagoo la wadaagaya farsamada iyo hannaanka lagu gaarayo inay Iran hesho bambooyin nukliyeer ah.
Sidoo kale Ruushka ayaa dhankiisa Iran, ka helaya gantaalladaal riddada dheer iyo wax soosaarkeeda militari.