Ku dhawaad 100 xubnood oo ka mid ah Xisbullah oo ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhashay aalada isgaarsiinta ee Pager, ayaa galinkii dambe ee maanta laga qaaday Beirut, waxaana la geynaya isbitaallo ku yaalla Iran.
Dhaawacyada waxaa muuqata in dhammaan uu qaraxa aalada Pager, ka waxyeeleeyay indhaha iyo madaxa, tan waxay u muuqataa inay qeyb ka ahayd qorshaha howlgalkan ee Israa’iil , sababtoo ah ilbiriqsiyo inta aysan aaladan qarxin waxaa lagu soo diray farriin, taa oo uu isku dayay qof walba inuu akhriyo.